Akhriso:-Daacish oo sheegatay masuuliyada dil ka dhacay Muqdisho

0

Ururka Daacish ayaa sheegtay masuuliyadda dil afaafka hore ee Suuqa Khudaarta, nawaaxiga Isgoyska Bakaaraha qaybta xigta dhanka Degmada Hodan loogu geystay askari ka tirsanaa ciidamada Taraafikada oo halkaasi ku sugnaa.

Askariga xilliga la dilaayay ayaa wuxuu ku hawlanaa kala hagista gaadiidka wadooyinka marayay nawaaxiga Isgoyska Bakaaraha, qaybta Degmada Hodan.

Daacish ayaa sheegtay inay degmada Hodan ku dileen sarkaal ka tirsan Booliiska, waxayna daabaceen sawirro muujinaya ninka weerarka gaysanaya oo tooganaya shaqsiga la bartilmaameedsaday.

Muqdisho waxaa sadexdii bilood ee ugu danbaysay ku soo badanayay dilalka qorshaysan ee uruurka daacish sheegtaan waliba ay muuqaalo isku duubaan xiligan ay dilka geysanayaan