TOPNEWS:-Hay’adda Lacagta Ee IMF Oo Soomaaliya U Ogolaatay Inay Daabacato Lacag

0

Hey’adda lacagta adduunka ee (IMF) ayaa Soomaaliya u ogolaatay inay lacag soo daabacan karto, si taasi u dhacdana loo baahan yahay ilaa $41 million oo ah qorshaha wejiga 1aad.

Hey’adda (IMF),  waxaa ay sheegtay in Soomaaliya ka gudubtay 2 imtixaan oo lagu sameeyay bangiga dhexe,  loona  yaqaano Staff-Monitored Programmes (SMPs) oo lagula socday dhammaan shaqada iyo shaqaalaha hey’adaha dowliga ah, waxaa xusid mudan in Muqdisho ay bilowday wada hadal ku aadan wareegga 3aad ee barnaamijkan.

 “Soomaaliya waxaa ay u baahantahay taageero iyo deeq lacageed oo gaareysa $41 million, si barnaamijkan u fulo” sidaa waxaa lagu sheegay qoraal ay  IMF u dirtay bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Bangiga dhexe ee Soomaaliya waxaa uu soo daabici-doonaa wejiga 1aad lacagta Somali shilling (SHS) oo kala noocyada: 1,000; 2,000; 5,000; iy 10,000.

Sida qoraalkan lagu sheegay wejiga hore waa in la daabaco $752.5 million taas oo lagu badalayo tirada hadda shilling  Somaliga ah ee dalka laga isticmaalo oo gaareysa ,750 billion SHS.

Talaabbada uu Lacagta cusub ku daabacyo bangiga dhexe ee Soomaaliya waa tii ugu horeysay tan iyo burburkii dowladdii dhexe 1991dii, waana tillaabo kale oo horay loogu qaaday qorshaha deyn cafinta.