Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya kormeer ku tagey Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa kormeer howlleed ku tagey Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho, si uu ugu guur galo hannaanka ay u shaqeyso Dekaddu, islamarkaana loo ilaaliyo dhaqaalaha laga aruuriyo dadka isticmaala Dekadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Maaliyadda iyo maamulka Dekadda, waxa uuna ka xog-wareystay qaabka ay u shaqayso Dekaddu, caqabadaha ka jira iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo tayayn karo adeegyada ay Dekaddu u hayso shacabka Soomaaliyeed, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara musuq maasuq iyo ku takrifal hanti dadweyne.

Wuxuu ku booriyey madaxda iyo shaqaalaha ka howlgala Dekadda in ay ilaaliyaan Masuuliyadda lagu aaminay maadaama ay Dowladdu wado qorshe lagu wada xisaabtamayo.