Akhriso:-Khasaare dhimasho leh oo ka dhashay duufaano ku dhuftay Puntland

0

Faahfaahino hordhac ah ayaa ka soo baxaya khasaarahaka dhashay duufaano wata roobab iyo dabeylo xoogan oo ku dhuftay degaano hoos taga maamulka Puntland.

Duufaantan ayaa saameysay degaano badan, waxaana jira meelo ay ka go’day isgaarsiinta oo aan la ogeyn dhibaatada ay ka geysatay.

Daad xoog leh ayaa la soo sheegayaa inuu la tegay gaadiid marayey wadada u dhexaysa magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, waxaana daadku qaaday gaari ay lix qof saarnaayeen, dadkaasi waxaa nolol lagu helay afar ka mid ah labadii kale iyo gaarigii ayaa lala’yahay.

Gaari kale oo isna biyuhu shil ku geliyeen halka loo yaqaano meermeerka oo ku dhow Boosaaso ayaa waxaa ku dhintay Allaha u naxariistee ganacsade Abshir Jaamac Faarax dad kalena waa ku dhaawacmeen.

Waxaa jira gaari kale oo isna la sheegayo in daad kula tegay Toga Ceeldaahir laakiin weli ma jirto faahfaahin laga hayo, isgaarsiinta oo xun awgeed, balse baaritaan ayaa socda.

Guddoomiyaha Gobolka Bari ayaa sheegay in hada la amray laamaha amniga iyo baraha kontorool in la hakiyo isu socodka gaadiidka iyo dadka inta ay socdaan roobabka iyo daadadka. .