SAWIRRO:- Guddoonka Waxbarashada Mudug oo sagootin u sameyaay Macalimiin

0

Gudoonka Waxbarashada Gobolka Mudug ayaa Kulan qado sharaf ah u sameeyay Macalimiintii iyo Kormeerayashii kayimid gobolada kale ee ilaalinayay Imtixaanka Shahaadiga Puntland ee sanad dugsiyeedka 2017-2018.

Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug Axmed Huruuse ayaa waxa uu mahadcelin balaaran ujeediyay Macalimiintii iyo Kormeerayashii sida qurxoon u ilaalinayaya Imtixaanka Shaaadiga ah qeybta Gobolka Mudug isagoona ugu bishaareeyay Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dhanka kale Macalimiintii iyo kormeerayaaashii kasocday wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa iyagana mahadcelin balaara ujeediyay Gudoonka waxbarashada Gobolka Mudug iyagoona ooga mahadceliayay Soodhoweynta iyo sagootinta quruxda badan ee loosameeyay.