War Deg Deg Ah :-Dagaalka oo mar kale dib uga bilowday Tukaraq

0

Wararka haanta Naga soo gaadhaya   goobaha ay Ciidamada Puntland iyo Kuwa Somaliland ku sugan yihiin ee Gobolka Sool ayaa sheegay inuu Saaka mar kale dib halkaasi dagaal uga Bilowday, Iyadoo dagaalkii shalay uu ka dhashay Khasaare kala duwan.

Hub Culus   oo ay isku adeegsanayaan Ciidamada Puntland iyo Kuwa Somaliland ayaa laga maqlayaa Aaga Tukaraq.

Isku socodkii gaadiidka ee magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe ayaa istaagay, mana jirto cid isku gudbaysa.

Xaalada ayaa ah mid kacsan, Mana jirto cid Xaqiijin karta Khasaaraha dhabta ee kala gaadhay Labada dhinac.