TOPNEWS:-Guddomiyaha Golaha Shacabka oo maanta ku wajahan magaalada Baydhabo

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta lagu wadaa in uu gaadho magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaadhka  ah ee maamulka Koofur Galbeed.

Safarka Guddoomiyaha ayaa lagu tilmaamay in u jeedkiisu uu yahay in uu halkaasi ugu qeyb galo shir looga hadlaya amniga Soomaaliya, maadaama madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo sfar ugu maqan yahay dalka Qadar.

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ah ku simaha madaxweynaha Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sida wararka qaar ay sheegayaan Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu soo laabanaya magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, sababo la xadhiidha dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool una dhaxeeya Soomaaliland iyo Puntland.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here