Akhriso:-Kuuriyada Waqooyi oo digniin cusub u dirtay Koonfurta iyo Maraykanka

0

Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta oo Arbaca ah baajisay kulan lagu waday inay yeeshaan madaxda labada Kuuriya, kadib markii Waqooyiga ka carooday dhoolatus militari oo cusub oo ay wada sameenayaan Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay dhoolatuskan militari ee wada sameenayaan ciidamada cirka ee Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay khatar ku keenayaan wadahadaladii dhawaan bilowday ee sadex-geesoodka ahaa.

Digniinta Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu sheegay in hadii dhoolatuska militari ee noocaan ah ay sii wadaan Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay sidoo kale baajin doonaan kulankii lagu waday inuu dhexmaro Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong-Un.