AKHRISO:-Dowladda oo ka hadashay tirada guud ee ardayda Sanadkan imtixaanada shahaadiga

0

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa ka warbixiyay Tirada Ardayda u fariisaneysa Imtixaanka Qaran ee Shahaadiga Dugsiga sare, ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya

Wuxuu sheegay in 27,600 oo arday ay sanad dugsiyeedkan u fariisaneyso Imtixaanka, iyadoo lagu kala gali doono in ka badan 120 Xarumood oo ka tirsan Gobalka Benaadir iyo Afar Maamul Gobaleed oo kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Jubbland.

“ Sida aan hore u shaacinay bishan May ee aan ku jirno 19-keeda waxaa dhamaan ardeyda dhameysaneysa Waxbarshada dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka 2017/18 ay u fariisan doonaan Imtixaanka Shahaadiga”.ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in 1400 oo arday oo la qorsheynayay inay Imtixaanka Qaran ku galaan Beledweyne uu dib ugu dhacay Fatahaada Wabiga Shabeelle awgiis, isagoo shaaciyay inay dib ka gali doonaan.

Wuxuu ka codsaday dadka Soomaaliyeed iyo Waalidiinta meel kasta ay joogaan inay ka qeybqaataan hab sami u socodka iyo fududeynta hawshan Qaran, wuxuuna ugu baaqay Ardayda Imtixaanka galeysa inay la shaqeeyaan oo ay u dhaga nuglaadaan ilaalada iyo kormeerayaasha Imtixaanka iyo sidoo kale ay garabsiiyaan Ciidamada Qalabka sida ee ku howlan ilaalinta Amniga iyo sugida Goobaha lagu galayo Imtixaanka.

Wasaaradaha waxbarashada ee Puntland iyo Somaliland ayaa si gooni ah u qabsado imtixaanaadka dugsga dhexe iyo sare ee shahaadiga, iyadoo toddobaadkan bilowgiisa ay degaamada Puntland ay ka bilowdeen imtixaanaadkaasi.