TOPNEWS:-Isbaheysiga Muqtada Al-Sadr Oo Ku Guuleystay Doorashada Ciraaq

0

Isbaheysiga uu hogaamiyo wadaadka shiicada ah ee sida aadka ah uga soo horjeeda Mareykanka Muqtada al-Sadr ayaa u muuqda inuu ku guuleystay doorashooyinka baarlamaaniga ah ee dalka Iraq.

Iyadoo inta badan la tiriyay codadka la dhiibtay, ayuu Isbaheysiga Al-Sadr uu hogaaminayaa ilaa iyo lix gobol. Waxaa kusoo xiga xisbiga uu madaxda u yahay Hadi al-Amiri oo madax u ah koox maleeshiyo ah.

Ra’isulwasaaraha hadda talada haya Haider al-Abadi, oo ay taageerto dowladda Mareykanka ayaa ka codsaday dadka reer Ciraaq in ay ixtiraamaan natiijada kama danbeysta ah ee kasoo baxda doorashada.

Boqolaal ka mid ah taageerayaasha Muqtada Al-Sadr ayaa isugu soo baxay magaalada Baghdad kadib marki lagu dhawaaqay qeyb ka mid ah natiijada.

Qaar ka mid ah dadka ayaa ku qeylinayay bog cusub ayaa u furmay dadka Ciraaq, halka kuwo kalana ay dhahayeen waa dhamaadkii musuqmaasuqa.

 

Al-Sadr ayaanan u ordin kursiga baarlamaanka mana noqon karo Ra’isulwasaare, laakin maadaama uu yahay gudoomiyaha isibaheysiga doorashada ku guuleystay, waxa uu door weyn ka ciyaari doonaa jaan-goynta siyaasadda Ciraaq iyo soo dhisidda dowlada soo socota.