SAWIRRO:-Wasiir Beyle oo Kormeeray Xaruntii Wasaaradda Lacagta Oo Dib loo dhisayo

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Cabdiraxman Ducaale Beyleh ayaa kormeer shaqo ku tagay Dhismaha Wasaaraddii Lagacta oo hada ay dib u dhis ku sameysay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Dhismahan oo hadda gabo gabo ah ayaa waxa uu faa’iido badan u yeelan doonaa shaqada Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo halkaasi ugu adeegi doonta Bulshada Soomaaliyeed, dib u dhiska xaruntana waxaa Soomaaliya ugu deeqday Dowladda Sweden.

Wasiir Bayle ayaa warbixin ka dhageystay Engineerada ku howlan shaqada dhismaha, isagoona ka dalbaday sida ugu dhaqsiyaha badan inay ku soo gaba gabeeyaan howsha dhismaha si Wasaaradda ay u baahiso howlaha Bulshada loo qabanayo.