SAWIRRO:-Madaxweynha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka qaybgalay kulan looga hadlayey Dastuurka DFS

0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 8 May 2018 waxaa uu ka qayb galay shir kafurmey Wasaarada Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland oo looga hadlayey Arimha Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan maanta ka furmay Wasaarada Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaar kamida Hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Puntland, qaar kamida goloyaasha Dowladda Puntland, Saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, ururada aan dawliga ahayn iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay gebagebadii kulanka ayaa waxa uu faafaahiyey muhiimada uu umada Soomaaliyeed u leeyahay federaalisamku, isla’markaana tilmaamay in ummadda Soomaaliyeed marxalada maanta ay taagan tahay habka keliya ee kaga bixi kartaa uu yahay nidaamka Federaal ka,

“Waan idin salaamayaa dhamaantiin waana ku faraxsanahay inaan ka soo qayb galno kulankan maanta oo runtii aan u arko inuu aad muhiim ugu yahay Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalja Soomaaliyaba, waxaan ka tashanaynaa dastuurkii Soomaaliya lahaan lahayd, ummada Soomaaliyeed wadaagi lahayd, ka dhaxayn lahaa, lagu hishiin lahaa, marka hore waxaa la rabaa in ay reer Punland fahmaan inaad dastuur leedihiin waana muhiim inaad taqaanaan waxa idinkugu qoran, haddii marka mid Soomaaliyeed la sameeynayo waxa aan aamin sanhay iyo waxa kaayaga ku qoran waa inaan la shir tagnaa kaan angu isku qorney awoodaha uu nasiinayo, masuuliyadaha uu nasaarayo in aan ku qanacsan-nahay ka bacdina waxa laga hadlayo wada xaajoodkii laga samayn lahaa dastuurkii Soomaaliya iyo dastuurka Puntland meesha aan ka amba qaadayno halkaas weeye, ma ahan dastuurka Dowladda Puntland intii la xooro in dastuur cusub la samaynayo oo Soomaaliya leedahay, meel cidlo ah wax laga bilaabi-maayo, marka laga hadlayo dastuur Soomaaliyeed waxaan ka baqayaa in dadku u fahmaan in kii Dowladda Puntland la tuuray oo la yiraahdo federaal baa la noqday, Dowladdii waa dhisantay, Soomaali waa isu-timid, Dastuurkeena Puntlnad aan tuurno maaha, waxa laga hadlayo waa dastuur jira oo aan abuurnay, anigu markaan Ra’isul wasaaraha ahaa aanu ka shaqaynay iyo kii aan anagu lahayn oo aan ansax sanay sidaanu isku waafa jin lahayn weeye, dastuurkaan laftiisa federaalka ah waa la socotaan oo bishii 8-aad 2012 baa shir lagu ansixiyey Xamar, 825 qof ayaa ansaxiyey, wakhtigaasna anaa joogey meesha oo Ra’iisal wasaare ka ahaa, intaas markaan samaynayney niman la yiraahdo IFCC waxay haysteen shan sano, waxaana UNDP ku bixisay konton milyan oo Dollar, xiligii xukunka xukuumadii aan anigu ka tagey, dastuurkii la ansaxiyey wuxuu aad u xoojinayaa federaalka awoodaha ay leeyihiin maamuladuna waa ku cad yihin si fiican u akhriya”

waan ka xumahay Puntland waxay in badan ku doodaysay dastuurkii saxiixa badnaa oo aan Nairobi ku samaynay jun-22-2012 waxaan saxiixa ugu badinay waxay ahayd in aan la xadin oo uusan dhumin, waad maqasheen hadda waxaa la yiri dastuurkii saxda ahaa waa la xaday sidee loo xaday?, taasi waxay idin tusaysaa in loo baahan yahay feejignaan, in aad iyo aad loo taxadaro, shir baa Xamar ka dhacaya waad ordaysaan maxaad u ordaysaan aad uga taxadari waydeen waxa aad la tageysaan, federaalka wax aad la iskugu mashquuliyo maahan, waxaa weeye sidee loo qaybsanayaa masuuliyadda iyo sidee loo qaybsanayaa awooda intaas in la isla fahmo weeye, waxaa in badan laga hadlay baarlamaankii 9-aad iyo waxa uu soo bandhigay, kuwaas anaa og sax ma ahayn waxay keeneen wax badan baana ka khaldanaa, in badan oo reer Puntland ah waxay shaki ka qabaan federaalka anagay noo weydiiyaan, balse federaalku waa sharciga dalka, hadduu shaqayn waayo markale ayaan ka tashanaynaa, dalka Soomaaliya wuxuu horay ugu dumay waxay ahayd awooda oo hal meel ah, kama soo hor jeedo dowladda federaalka ah ee in wax la wadaago ayaan rabnaa, maanta ayaan jaanis leenahay, maanta wixii la qorto ayaa labo boqol oo sano lagu dhaqmayaa, sidaas oo kale ayaa dowladdaha caalamku ku shaqeeyaan” Ayuu yiri madaxweynha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyn Madaxweynha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu sheegey in loo baahan yahay inuu noqdo dastuurka DFS, dastuur bad baadin kara shacabka Soomaaliyeed, ilaalin karana qofkasta oo Soomaaliya sharftiisa iyo cirdigiisa.