SAWIRRO:-Gudoomiyaha Baarlamaanka oo kormeeray dhismaha ka socda Xarunta Golaha Shacabka.

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta kormeeray dhismaha ka socda Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Dhismaha Xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa ka socda dayactir iyo dib u habeyn si loo qurxiyo dhismaha ay ku shaqeeyaan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ku sii shiraya inta dhismaha Golaha Shacabka uu socdo Xarunta Villa Hargaysa, halkaasi oo ay ka qabsoomayaan kulamadda Baarlamaanka Somaliya.

Gudoomiye Maxamed Mursal, ayaa warbixin la xiriirta dhismaha Golaha Shacabka iyo halka uu maraayo la siiyay, wuxuuna u sheegay Injineerada hawshaasi wada inay dadajiyaan dhismaha Xaruntan.