DHAGEYSO:-Shir looga hadlayey Bad-Baadinta Wariyaha oo Garowe lagu soo gaba gabeeyey

0

Wasiirka wasaarada warfaafinta dawlada Puntland ayaa ka hadlay kulan labadii maalin ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Garowe kaasoo looga hadlayey Sidii ay u wada shaqayn lahayeen ciidamada amaanka ee deegaanada Puntland iyo Wariyaasha ka hawlgala goboladda dalka gaar ahaan magaalada Garowe.

Cabdi Xirsi Cali Qarjab Wasiirka wasaarada Warfaafinta dawlada Puntland ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay shirkaasi iyo xiritaankiisa wuxuuna sheegay in guulo waa weyn lagu gaaray shirkaasi maadaama uu kasoo baxay qodobo wax ku ool ah sida uu sheegay wasiirka.