DHAGEYSO:-Khilaaf ka dhex qarxay madaxda Galmudug

0

Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo warbaahinta kula hadlay magaalada muqdisho ayaa sheegay in la baalmaray heshiiskii Galmudug iyo Ahlu-suna ay kuwada gaareen dalka Jabuuti.

Waxa uu sheegay Casir in qodobada la hareer maray ay qeyb ka tahay in Maamulkii Ahlusuna Waljamca baarlamaanka Maamulka Galmudug ay ku yeesheen tiro ka badan kuwii Galmudug.

Sidoo kale waxa uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug in Dastuurkii Galmudug lagu soo daray qodobo aan cidna ka talo baxin, ayna ka mid yihiin xil haynta madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf), iyo sidoo kale qodobo hareer marsan dastuurka Somalia.