DHAGEYSO:-Hoy la,aan soo foodsaartay Barakacayaasha Degmada Saaxo ee gobolka Mudug

0

Dadkii abaarihii dhawaa ee is xig xigay ay dhaafiyeen xoolohoodi oo kusoo xarooday degmada Saaxo ee gobolka Mudug ayaa waxaa sooo foodsaartay dayac iyo cunno xumo sida ay sheegayaan maamulka degmadaasi saaxo.

Gudoomiye ku xigeenka Ururka Haweenka ee degmada Saaxo ee gobolka Mudug Marwo Dhuux Jaamac Cismaan, ayaa sheegtay inay dadka Barkacayaasha ah xiligan waxyaalaha ugu daran ee haysata ay kamid tahay Teendho la,aan oo ay sheegtay meel ay roobka ka galaan inaysan lahayn dadkaasi sidoo kalana waxay sheegtay in Buste la,aan iyo Cunno xumo ay haysato dadkaasi.