FAALLO:- Shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed oo ka difaacay dalkooda kooxaha dawladdaha shisheeye u shaqeeya.

0

Waxaynu wada garanaynaa,in dalkeenu mudo nus qarni ah ku jiray dagaalo sokeeye iyo maqnaansho dawladnimo.Hadaba sida caadada u ah gumaystaha,waxa uu dalalkuu gumaystay ku beeray,kala qaybin kusalaysan qaab deegaan,ama beeleed ama diineed.waxa uu dalka uu guumaysto ka dhigaa dadka kuwo lumiya dhaqankoodii,si uu uga tiro kartida iyo dadnimada ay asal ahaan leeyihiin waxa uuna ku dhumiyaa waxaysan lahayn.

Gumaysigu wadamada qaarkood afkoodii xataa waka lumiyaa oo afkale ayuu u dhigay.dabaqad ayuu usameeyaa qaar tijaar ah iyo qaar faqiir ah ayuu ka dhigaa.waxaas iyo inbadan oo kasii qodo dheer ayuu kusameeyaa gumastuhu dalalkuu gumaystay,u jeedkuna waxa uu ahaa in dadkaasi dhexdooda isku mashquulaan isagana aan loo helin waqti lagula xisaabtamo.

Dalkeena soomaaliya waxa uu gumaysigu u keertay dad iyo kooxo u adeega danihiisa,oo soomaalida kala dagaalama dawladnimada,diinta,dhaqanka,afka,soomaalinimada intaba.kooxahan shisheeyeha u shaqeeyaa waxay ku jiraan qaybaha bulshada oo dhan. Waxay kamid yihiin ciidamada,siyaasiyiinta,culimada diinta,ururada bulshada rayidka ah,haweenka, ururada shaqaalaha,warfaafinta,waxayna fulinayaan danaha guracan ee shisheeyaha,waxayna ka helaan lacag iyo waxbarasho shisheeyahaas.

Dadkan waxay aamineen si buuxda afkaaraha shisheeyuhu ku shubtay,waxayna kasoo horjeedaan danaha dalkeena soomaaliya iyo dadkeena soomaaliyeed. waa dad qalbiga laga dagay oo maskaxdooda la yeeshay. kalsooni malaha,iimaan malaha,garasho fog malaha,waxay hadaba doonayaan in dadka oo dhami sidooda noqdo oo shisheeye la hoos joogo.Marwalba oo dawlad shisheeye ah iyo dawlada soomaaliyeed is qabtaan waxay la saftaan dawlada shisheeye markiiba! waxayna la dagaalamaan dalkooda soomaaliya,dadkooda soomaaliyeed iyo dawladooda.

Dalwalbaa markuu ogaado in qof wadani ahi u janjeero u adeeg shisheeye sharcibaa kayaal ah dil ama xabsi daa in.waa aduunyada dhan dawlad walbaa sharcigaa ayaa u yaala. maxaa sidaa looyeelayaa? waxaa la ogyahay cadawga gudahaaga ah ee kamidka ah muwaadiniinta dalka in ay ka khatarsan yihiin cadawgaa shisheeye,maxaa yeelay cadawgaa shisheeye waad iska fiirisaa oo aad ka feejigantahay had iyo jeer laakiin kan waa mid kulanool oo kuu dhuuntay.

Hadaba cida khiyaanta qarankeeda ee kala safata shisheeye xeer baa kayaal.mudadaas aadka u dheer dalkeenu muxuu la dagi waayay? wax kale maha waa dad soomaaliyeed oo shisheeye u shaqeeya oo ka faa iidaystay dawlad la aanteena.mana doonayaan in aynu kabaxno colaadaha iyo dawlad la aanta oo aynu noqono dawlad iyo dal soomaaliyeed oo xor ah leh sharaf iyo karaamo ahna kuwo nool oo nabad ah.

Kuwa hada diidan dawladaan curdanka ah ee inoo kacday,waa kuwa u adeegaya shisheeye oo laga dhex guuxayo.marnaba marabaa dawlad soomaaliyeed iyagu waa cadawga uugu wayn ee soomaali leedahay.mar waxay inoo kala qaybinayaan qaab qabiil oo durbaan qabiil bay garaacayaan,marna durbaan diineed oo been ah ayay garaacayaan,marna durbaan maamulgoboleed ayay garaacayaan,waxaas oo dhamina hal meel ayaa laga xukumaa oo ah u adeegid shisheeye.

Waxaa hadaba illaahay ogyahay dhagarta loo dhigay shacabka soomaaliyeed iyo dawladooda,oo loo diidan yahay in ay helaan dawladnimo buuxda nabad iyo nolol oo ay dalkooda uugu noolaadaan si sharafleh oo amaan ah.waxaa la diidan yahay in dadka soomaaliyeed ay yihiin hal isku diin isku af isku dhalasho isku dal isku dad.Hadaba illaahay waa inoo hiiliyay oo cadawgeenii isu keen bahaystay ee ahaa dawlado shisheeye iyo soomaalida u adeegaysaba waa ka guulaysanay oo ka adkaanay.

Soomaaliya waa dawlad,waa dal hodan ah,dadkiisuna waa dad sareeya oo sharaf leh.ma aqbalayno in nala dulaysto oo nalagu hayo dawlad la aan iyo colaad iyo qabiil iyo dulinimo waa diidnay.dhalinyarada soomaaliyeed waa inay qortaan ciidamada oo u dhintaan dalka,shacabku waa in uu cadawga gudaha isha ku hayaa oo u sheegaa wuxuu arko ama ka shakiyo hay adaha amaanka dalkeena. waa in aan kuwa u shaqeeya dawladaha shisheeye ka dhamaynaa dalkeena oo tirtiraa. dalka iyo dadka iyo diinta waa in aan u dhimanaa oo difaacanaa.cadawga gudaha markaa sifayno iyo daba dhilifka laynoo soo adeegsanayo kadib xor baynu nahay maxaayeelay dawlad shisheeye oo ina soo weerari karaysaa majirto.

waxa dalkeena qasaya ee lacagta lasiiyaa waa soomaali uun,waa in aan si wayn u daba galaa shacab iyo dawladba cadawga inagu dhex jira.ciidamada sirdoonka soomaaliyeed waa inay sii laban laabaan waraysi xoog ahna la yeeshaan cidkastoo la tuhmo oo shisheeye u shaqaynaysa qarankana duminaysa. sirdoonkeenu waa in ay cadawga ka ugaartaan dal iyo dibadba.

Dawladnimada soomaaliya waa hana qaaday cadawgeediina waa jabay,wadanigii soomaaliyeedna hubkiisii waa qaatay,waxaana bad baadinaynaa diinteena dadkeena iyo dalkeena soomaaliya.dadka soomaaliyeed waa siman yahay waana walaalo lamana kala qaadi karo. waxaana deeqda dawladnimo iyo soomaalinimo dalkuna inaga badan dagaan ahaan iyo dhaqaale ahaanba.shacab iyo dawladba hadaynaan isku duubnaan oo dalkeena u dhiman u shaqayn yaan kasugaynaa oo inoo difaacaya oo inoo dhisaya. waa in aan isku filaanaa oo dalkeena gacan bir ah ku qabsanaa.

Guul weyn weeye sida maanta shacab iyo dawladba umada soomaaliyeed uugu heelantahay difaaca dalkeena hooyo.

WAXAY KA BUKAAN CADAWGEENA GUDUHU DAWLADNIMADA NABADA IYO NOLOSHA SOOMAALIYEED

W/Q:- Yuusuf Omar
mashruuc5@hotmail.com