Akhriso:-Taliyaha Ciidanka Somaliland oo war lama filaan ah kasoo saaray ciidankii ka goostay Puntland ee ku biiray.

0

Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inaanu jirin Ciidan ka tirsanaa oo meel kale tegay ama u goostay, wararka arrinkaa la xidhiidhana yihiin kuwo la been-abuuray.

Qoraal  ka soo baxay xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay warbaahinta  ayaa u dhignaa sidan:

Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland waxuu caddaynayaa inaanu jirin Ciidan ka tirsanaa oo meel kale tegay ama u goostay, isla markaana wararka lagu faafiyey warbaahinta qaarkood ee sheegaya in Ciidamo ka tirsan Somaliland u goosteen maamul-goboleedka Puntland yihiin kuwo la been-abuuray.

Waxaan caddaynayaa in warka sheegaya ciidan ka goostay Ciidanka Qaranka Somaliland, keliya xaqiiqda ku jirtaa tahay nin lagu magacaabo Cabdillahi Cabdi Cali (Gacan), balse, isagana sannad horteed dembiyo uu galay awgii looga saaray Ciidanka Qaranka, oo laftiisa iyo cid-walbana ogtahay, laakiin, aanu jirin askari kaloo ciidanka Qaranka Somaliland ah oo meel kale tegay.

Waxaan ummada Somaliland u xaqiijinaynaa in dhamaan xubnaha Ciidanka Qaranka Somaliland ku sugan yihiin rugahoodii, iyagoo gudanaya waajibaadkii ka saaran difaaca sharafta dalkooda JSL.