Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Carabey” Waxaan dib uga laaban doona Heshiiskan la galnay Ahlusunna”

0

Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegeen in dib loogu laabanayo qodobo ka mid ah heshiiskii Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna ku dhexmaray Magaalada Jabuuti ee caasimadda wadanka Jabuuti.

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) ayaa waxa uu sheegay kadib markii ay isa soo tareen cabasho ka imaaneysa qaar ka mid ah beelaha dega degaanada Galmudug in la isla loo qaaday in dib loogu laabto heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna.

Waxa uu sheegay hab qeybsiga heshiiska ku xusnaa qaarkood in aanan loo fulin sidii loo baahnaa, sidaas darteedna beelaha qaar ee dega Galmudug ay keeneen cabasho ku saabsan heshiiskaasi.

Madaxda sare ee Galmudug iyo Korjoogtada shirkaasi ayuu sheegay in lagu wargeliyay in dib loogu laabanayo qaar ka mid ah qodobadii heshiiska labada Maamul.

“Runtii waxaa jiray habraacii heshiiska Jabuuti oo ka koobnaa 14 qodob sidii loo dhaqan gelin lahaa iyo habkii loo maray in dad badan oo reer Galmudug ah ay cabasho ka muujiyeen, Odayaasha waxay ka cabanayaan in lagu xad gudbay awood qeybsiga Galmudug.” Ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Galmudug.