Xog Ku saabsan doorashadda guddoomiyaha baarlamaanka soomaaliya (Akhriso)

0

Waxaa caasimada dalka ee muqdisho kaga socda Ololaha doorashadda Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyada oo ay xiliga doorashadu tahay maalinta berri ah sida horay loo qorsheeyay

Saacaddihii lasoo dhaafay ayaa hoteelladda ku yaalla Muqdisho waxaa ka dhacay Kulamo kala duwan oo ay doonayaan Musharaxiinta in ay ku kasbaddaan Xildhibaanada.

Qaar ka mid ah Musharaxiinta u taagan Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashadda.

Guddiga doorashadda ayaa sheegay in maalinta berri ah ay dhici doonto doorashadda Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa dhammaantood mid kaste oo ka mid ah waxa uu sheegay in uu doonaayo in uu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa 9-kii bishan April iska casilay xilka Guddoonka, sida xeerka Baarlamaanka uu dhigayana ay waajib tahay in booskaas lagu buuxiyo mudo 15 maalmood ah.