Maxkamadda Jubbaland oo dib u dhigtay Dacwada Askari xaaskiisa dilay

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa la horgeeyay C/laahi Asad Ismaaciil oo horey loogu eedeeyay inuu dilay Xaaskiisa 14-kii bishan April, waxaana xaaskiisa lagu magacaabi jiray Muxubo Maxamed Guure.

Dilkan ayaa waxa uu ka dhacay xaafada Calanley ee Magaalada Ksismaayo, xilli habeen ah saacadu marka ay aheyd 08:00 fiidnimo, sida ay sheegtay Maxkamadda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa sheegay kiiskan Maxkamadda la horkeenay in dib loo baari doono, wuxuuna tilmaamay in dib la isugu soo laaban doono 15-ka bisha May 2018, maadaama cadeymo ku filan la waayay.

“Maxkamadda maanta waxay u fariisataya dhageysiga koowaad kiis Dil ah oo lagu soo eedeeyay C/laahi Asad Ismaaciil oo 28 sano jir ka tirsan Taliska Ciidanka Jubbaland, markii aan dhageysanay Dacwada waxaa inoo cadaaday inaan la keenin cadeymo ku filan kiiskan, waxay xeer ilaaliyaha Maxkamadda fareysaa inuu keeno cadeyn ku filan kiiskan, dib ayaana la isugu soo laaban doonaa.” Ayuu yiri Gudoomiye Bashiir.

C/laahi Asad Ismaaciil ayaa Muxubo Maxamed Guure guursaday 15-kii bishii Janaayo 2018-ka, waxaana dhacdadan maalmihii dambe aad loogu hadal hayay baraha bulshada.