Khudbad jeedinta Musharaxiinta u taagan xilka Gud. Baarlamaanka oo la soo gaba gabeynayo

0

Sida uu qorshaha yahay maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo dhageysiga khudbadaha Musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Shalay ayaa waxaa khudbado jeediyay ilaa Lix Musharax oo ka mid ah xubnaha u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxayna ka hadleen mid walba waxa uu qabanayo hadii uu ku guuleysto xilka.

Sidoo kale maanta lagu wadaa in ay khudbado jeediyaan ilaa Shan Musharax oo ah kuwa harsan, waxaana ugu dambeyn la soo gaba gabeyn doonaa gelinka dambe ee maanta.