Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay heshiis lala galay shirkadda SKA (Akhriso)

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in ay cadeyneyso heshiiska saxaafadda laga sheegay ee lala galay shirkadda SKA inuusan aheyn mid waafaqsan Habraaca Dowliga ah ee ay dejisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

C/raxmaan Ducaalle Bayle oo ah Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaaalka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay heshiisyada nuucaan oo kale ah ee lala galo shirkado gaar loo leeyahay in ay yihiin kuwo waxba kama jiraan ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in Xukuumadda ay bilowday baaritaan looga gol leeyahay in laga sal gaaro sida uu ku yimid iyo Habraaca loo maray heshiiskaas la sheegay in lala galay shirkadda SKA.

War-saxaafadeedka Dowladda ay soo saartay kuma aysan sheegin nuuca heshiiska, cida shirkadda SKA ay heshiiska la gashay, marka laga reebo in Dowladdu ay sheegtay shirkado gaar ah in lala galay.