DHAGEYSO:-Murashax Lafta Gareen”Xilkeygii waan ka tagay waxaana ahay Murashax Gudoomiye”

0

Waxaa si rasmi ah u shaaciyay in uu xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka u tartamayo Xildhibaan C/casiis Xassan Maxamed (Lafta Gareen) oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka  Soomaaliya.  Xildhibaan Lafta-gareen ayaa Musharaxnimadiisa ku shaaciyay  shirjaraa’id oo uu maantay ku qabtay magaalada Muqdisho.

Musharaxa ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Ugu horreyn, waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Xidhibaannadii igula taliyay fikir ah inaan isu soo sharaxo Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS iyo Mudanayaashayda kale, Iyo saaxiibadayda xildhibaannada ah ee igula taliyay, iguna dhiirigaliyay qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka”

Musharax Guddoomiye Lafta Gareen ayaa sheegay in Guddoonka Goluhu shaqadiisu ay tahay in uu guddoomiyo  wax-kasta oo guluhu isku raaco, kuna shaqeeyo kalsoonidooda, rabitaankooda, Dastuurka dalka iyo xeer-hoosaadka baarlamaanka.

Xildhibaan Lafta Gareen isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxaan ahay mideeye aan kala qaybin-doonin xildhibaannada Golaha Shacabka iyo ilaalinta Midnimada Golaha guud ahaan, waxaan ahay garaad shir-guddoomiye kaliya ah, balse aan xilka ku gor-gortamaynin, waxaan ahay shaqsi ku fiican latashiga, sidaas aw-geed-na Xildhibaannadu haddii ay codkooda isiiyaan ma noqonayo nin u taliya, ee waan la tashan-doonaa mar-waliba, waxaan ahay nin difaaci doona go’aannada Xildhibaannada Golaha Shacabka ay  gaaraan mar-waliba, waana soodhawaynaya go’aannadooda, anigoo aanan ku dhibaynin mas’uuliyadda marka ay ii dhiibtaan oo ay iga aqbalaan codsiga aan la hortagi doono Haddii Alle idmo”

Musharaxa ayaa u mahadceliyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka JFS Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, isagoo ku ammaanay in uu baarlamaanka soo gaarsiiyay meel aad u wanaagsan mudadii uu hayay xilka Guddoonka.

Dhinaca kale – Xildhibaan Lafta Gareen ayaa isla shirkiisa ku sheegay in uu iska casilay Xilkii Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Soomaaliya, waxaana uu is-calisilaadiisa sabab uga dhigay isagoo tixgalinaya sharuudaha Guddiga Doorashadu ay ku dhawaaqeen shalay ee la xiriirtay in Xildhibaan Wasiir ah haddii uu tartamayo ay waajib ku tahay in uu xilka baneeyo.

Musharax Lafta Gareen ayaa u mahad-celiyay Shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga, Golaha Wasiirada Soomaaliya, R/wasaare Xassan Cali Kheyre, Iyo Madaxwaynaha Federaalka ee Soomaaliya, isagoo aad ugu ammaanay in ay muddo ka badan halsano ay kusoo wadashaqeeyeen isfaham, xurmo, wadatashi, iyo iskaashi.