Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka oo doortay Gudoomiye, Kuixgeen iyo Xoghaye.

0

Guddiga loo xil saaray Doorashada Gudoomiiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa goordhow doortay Gudoomiye, Kuxigeen iyo Xoghaye.

Guddigan oo ka kooban 15 Xubnood ayaa kulankoodii uhoreeyay waxey ku yeesheen Xarunta Villa Hargeysa, iyadoo kulankooda ay goob joog ka ahaayeen kusimaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Kuxigeenka 2-aad ee Baarlamaanka iyo Qaar kamid ah Maamulka Baarlamaanka.

Doorashada Gudoonka kadib, waxaa lagu dhawaaqay in Xildhibaan Nuur Iidoow Beyle loo doortay inuu Noqdo Gudoomiyaha Guddiga qaban qaabada Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Xildhibaan Iidoow ayaa Baarlmaankan 10-aad ku soo biiray 28-Kii January ee Sanadan, Waloow baarlamaankii 9-aad uu ku jiray.

Sidoo Kale Xildhibaan Sahro Cabduqaadir ayaa iyana loo doortay Gudoomiye Kuxigeen, Waxaana Xoghayaha Guddiga noqday Xildhibaan Xassan Cali Maxamed (Amardanbe).