Xaflad sagootin ah oo loo qabtay Dufcadii 3-aad ee Sanadkan ka qalin jabinaysa Dugsiga Sare ee Maxamed Xuseen ee Degmada Baargaal

0

xaflad Sagootin ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo loo qabtay
Dufcadii 3-aad ee ardayda ka qalinjabinaysa sanad dugsiyeedkan Dugsiga
sare ee Maxamed Xuseen ee Degmada Baargaal ayaa maantay lagu qabtay
Magaalada

Waxaa xaflada kasoo qaybgalay si ay ula qaybsadaan farxada ardayda
qalinjabinaysa masuuliyiinta Gobolka oo uu horkacayay isuduwaha
wasaarada arimaha gudaha ee gobolka gardafuu Mudane c/qaadir caato
,Masuuliyiinta Degmada oo uu horkacaayay Gudoomiyaha Degmada Abuukar
Axmed Yuusuf , mas’uuliyiinta waxbarashada degmada, gudoomiyaha
caafimaadka degmada Baargaal Maama istanbuul cali aadan , macalimiinta
ka hawlgala iskuulada magaalada kuyaala, waalidiinta, iyo ardayda wax
kabarata Dugsiga sare ee maxamed xuseen ee Degmada Baargaal.

wacdi iyo aayado qur’aan ah oo lagu furay xaflada kadib waxaa xaflada
lagu bilaabay gabay iyo khudbooyin Carabi iyo English ah oo soo
dhawayn ah oo ay soo jeediyeen ardayda iskuulka wax ka barata kuwaas
oo marti sharaftii kasoo qaybgashay ay aad ugu riyaaqeen.

waxaa ardayda ku xigsaday oo ka hadlay xaflada maamulaha Dugsi sare ee
Baargaal maxamuud Muumin wuxuuna mahad balaaran usoo jeediyey dhamaan
marti sharaftii kasoo qaybgashay xaflada sida firfircoonida,ah ee ay
uga qaybqaateen xaflada.

waxaa sidoo kale madasha khudbad qiimo badan ka soo jeediyay isuduwaha
wasaarada arimaha gudaha ee gobolka gardafuu Mudane c/qaadir caato oo
u hambalyeeyay bahda waxbarashada degmada baargaal iyo ardayda maanta
qalinjabinaysa asagoo kula dardaarmay inay waxbarahadooda sii wataan
si ay naftooda dalkooda iyo dadkooda wax u taraan

Waxaa sidoo kale xaflada ka hadlay Mas’uuliyiin , culamaaudiin , marti
sharaf iyo aqoonyahanka deegaanka oo aad u badan, dhamaana waxay soo
dhaweeyeen qalin jabinta ardayda ayagoo u hambaleeyay Dhaamn ardayda
sanadka qalinjabinaysa madashana ka jeediyay khudbado u badnaa
dardaaran iyo dhiirigelin

Qaar kamid ah ardayda qalin jabinyasa sanadka ayaa xaflada ku soo
bandhigay Barnaamajyo ka tarjumaya muhimada ay waxbarasshadu leedahay
iyo qiimaha macalinka waxayna halkaa kasoo jeediyeen gabayo ,
buraanburo iyo kalimado ay ku sagootinayaan Dugsiga Macalimiinta iyo
Maamulka oo ay ku soo diyaariyeen luqado kala duwan sida English,
Carabi iyo iyo luqadeena hooyo ee soomaaliga ah .

Gabagabadii Munaasabada ardayda waxa ay shahaado sharaf gudoonsiiyeen
Maamulkii iyo Macalimiintii mudada u taagnaa sidii ay usoo gaari
lahaayeen heerka ay maanta taaganyihiin iyo gudiga waxbarashada
degmada iyo bahda golis baargaal oo door wayn ka qaadatay qabanqaabada
xaflada