Guddoonka golaha shacabka oo magacaabaya guddi qaban qaabiya doorashada Af-hayeenka golaha

0

Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa wadda sidii ay u magacaabi la haayeen guddi ka shaqeeya qaban qaabada doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Kursigaan oo hadda ay sheegeen xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya in ay u taagan yihiin qabashadiisa ayaa waxaa iska casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaas oo iscasilaadiisa ay ka dambeysay khilaaf muddo soo jiitamayay.

Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in lagu soo magacaabo muddo 15 maalmood gudaheed ah oo ka soo bilaabaneysa markii uu iscasilay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka mr. Jawaari.