Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada” (sawiro)

0

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Benaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ka dhagax-dhigay Xafiiska Adeegga ee degmada Xamar-Weyne, si shacabka loogu dhaweeyo maamulka.

Isagoo ka hadlayay munaasabadda dhagax-dhigga xaruntan cusub ayuu Mudane Xuseen Maxamed Nuur tilmaamay in ay ka go’an dhismaha iyo fidinta adeegyada bulshada ee Caasimadda , kuwaas oo muwaadiniinta u sahli kara in deegaankooda ay ka helaan wax walba ee ay ka rabaan xarunta dawladda hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhagax-dhiga xaruntan uu qeyb ka yahay barnaamijka hoos u daadajinta adeegyada asaasiga ah, isagoo xusay in Maamulka Gobolka Benaadir ee hoggaamiyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ay ka go’an tahay in shacabka dib loogu celiyo dhaqaalaha ay bixiyaan, waxuna dhankooda ugu baaqay bulshada ku nool magaalada Muqdisho in ay bixiyaan canshuuraha ku waajibay.

“Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada iyo in la xoojiyo laama bixin kara adeegyada asaasiga ah ee bulshada oo ay ka mid tahay xarunta aan maanta dhagax-dhignay, waxaan horey sidaan oo kale uga hirgelinay ilaa sagaal degmo dhowrkii bilood ee aan shaqada wadnay”.Ayuu yiri Guddoomiye Xuseen Maxamed Nuur.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeyb galay qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Benaadir iyo shacabka ku nool degmada Xamar-Weyne.