Faah Faahin ciidamada NISA oo galay guriga xildhibaan cadow cali gees (sawiro)

2

Ciidamo la sheegay in ay ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta Galay Guriga Xildhibaan Cadow Cali Gees oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Waxaa la sheegay in Ciidamo Nabad Sugid ah ay galeen Guriga Xildhibaanka oo ku yaalo Gudaha Dekadda Muqdisho.

Ciidamada ayaa barayay muddo ku dhaw 4 saacadood Gudaha Guriga waxaana la sheegay in Xildhibaanka uu ku maqan yahay Wadanka Maraykanka.

Shaqaalaha Guriga ayaa  sheegay in ay Alaabta Guriga iyo Xafiisyo Xildhibaanka lahaa Banaanka la keenay qaarkoodna Bur bur loo geestay.

Comments are closed.