DHEGAYSO:-Xukuumadda Soomaaliya Oo Beenisay In Dowladii Hore Imaaraadka Heshiis Kala Gashay Dekada Berbera

0

Maalma ka hor Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibada Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash ayaa sheegay in heshiiskii Dekada Berbera ee khilaafka xooggan uu ka dhashay ay la galeen Dowladii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,waxana warkaasi beeniyey Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in aysan jirin wax heshiis ah oo dowladda Soomaaliya ama kuwii dalka soo maray ay kala galeen Imaaraadka Dekada Berbera oo ay waxka ogyihin.

Waxa uu sheegay in aysan jirin cadeymo ay u soo bandhigeen madaxda imaaraadka Carabta oo ku saabsan heshiiskaas Dekada Berbera.

“Maya maya xukuumadda soomaaliya ma oga heshiis imaaraadka ay dowaldihii dalka soo maray iyo dowladaan ay la galeen imaaraadka ama ay madaxda imaaradka ay natuseen laakin wasiiru dowlaha ayaan ka maqalnay in uu sheegay in Isfahan uu heshiiskaas ku dhacay xataa hadii uu jiro isfahan misi qoraal ah ayuu ku dhacay mise mid afka laga wada hadlay laakin Imaaraadka ayaan weli ka sugeynaa heshiiskaas ayuu yiri Wasiir Cawad”

Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo jawaab u ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibada Imaaraadka Carabta ayaa ku soo aadaya xili waqtigaan uu jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.