DHAGEYSO:-Wasiirka Maaliyadda soomaaliya oo markii ugu horeysay ka hadlay lacagtii imaaraadka ee garoonka muqdisho lagu qabtay

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya CAbdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay lacagtii ka timid Imaaaradka ee 8-dii Bishaan lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magalada muqdisho.

Wasiirka  sheegay Wasiirka in lacagtaas ay tahay cadadkeeda mid aad u farabadan,isla markaana dalka lasoo geliyey,iyada oo aan lagu wargelin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Imaaradka ay mashaariic farabadan dalka ka fulinyeen lacag badan ay keeni karaan balse ay aheyd in dowladda lagu soo wargelin maaadaama xiligii hore dowladda lagu soo wargelin jiray ,maadaama dowladda Soomaaliya ay waqtigaan shaki weyn qabto.