DHAGEYSO:-Wasiirada Amnga soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha Ka ah oo Garoowe Ku Wajahan

0

Wasiirka wasaaradda amniga dowladda federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) iyo wasiirka wasaaradda amniga dowladda Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf ayaa kawada shaqaynaya qaban qaabada shir dhowaan Garoowe ka furmi doona.

Shirkaan oo qaban qaabadiisu ka socotey magaalada Garoowe ayaa waxaa ka qaybgeli doona wasaaradaha amniga Soomaaliya, dowladaha xubnaha ka ah iyo laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir.

Wasiirka wasaaradda amniga dowladda federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) iyo wasiirka wasaaradda amniga dowladda Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf oo lahadlayey warbaahinta qaranka Soomaaliya ayaa ka hadlay shirkaasi iyo qodobada diiradda lagu saari doono.

Dhanka kalena, wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), ayaa ammaanay xaaladda ammaan ee deegaamada Puntland