DHAGEYSO:-Soo Xulista Golaha Deegaanka Garoowe iyo Caqabadaha Horyaal Duqa Cusub

0

Muddo hal bil kayar waxaa la filayaa in magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland ay ka dhacdo doorashada golaha deegaanka degmada Garoowe oo marka la soo xulo soo dooran doona gudoomiyaha iyo gudoomiye ku-xigeenka degmada Garoowe.

Hadda waxaa socota soo xulista golaha deegaanka oo tiradoodu gaarayso 27 xildhibaan, waxaana soo xuli doona nabadoonada beelaha degan Garoowe iyo deegaamada hoosyimaada oo u soo gudbin doona isimada guud ee gobolka si ay ugu gudbiyaan musharixiinta ku haboon gudiga arrimahaasi qaabilsan oo wasaaradda arrimaha guduhu hormuud u tahay si ay u kala saaraan.

Duqa kumeel gaarka ah ee degmada Garoowe Axmed Ayax ayaa kamid ah shaqsiyaadka sida aadka ah loo hadal hayo inay kamid noqon doonaan xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka kadib markii la diidey in la soo celiyo xildhibaanadii hore, taasi oo fursad u siinaysa inuu buuxiyo xubinimada beeshiisa ee duqii hore haddii loo garto.