Ambassador farasiska Madera oo baaq u dirtay beesha caalamka

0

Kadib shir qaatay muddo labo cisho ah oo AMISOM ugu soo gabagaboobay magaalada Muqdisho ayey uga dalbadeen Beesha Caalamka in ay xoojiso taageerada ay ka siiso ka hortaga weerarada qaraxyada ah ee ay Al Shabaab ka geystaan Soomaaliya.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa, ahna Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Ambassador farasiska Madera oo gabagabada shirkaasi ka hadlayay ayaa ugu baaqay Beesha Caalmanka in ay taageero ka siiyaan maareynta weerarada qaraxyada ee ay Al Shabaab la  beegsadaan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Mr Madeira ayaa intasi ku daray in ay ka go’an tahay AMISOM sidii wadida dadaalada ay ku nabadeynayaan Soomaaliya.,

Shirkani ayaa waxaa maalgalisay dowladda UK oo Ciidamada AMISOM ka taareerta dhinacyo dhowr ah oo ay ka mid tahay tababarada iyo dhinaca agabka intaba.