Akhriso:-Soomaaliya oo deyn laga cafiyo iyo gar gaar ka dalbatay hay`adaha deeq bixiyeyaasha iyo sanduuqa lacagta aduunka

0

Xubno wasiiro ah ayaa dowlada Soomaaliya ku matalayay shir caalami ah oo ka dhacay xarunta Bankiga Aduunka ee dalka Mareykanka.

Shirka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay dalalka deeq bixiyeyaasha Mareykanka, Britain, Norway, Midowga Yurub, Q.M iyo hay`ada lacagta aduunka ee IMF.

Dalalka deeq bixiyeyaasha ayaa sheegay in shirkaan uu yahay mid lagu gorfeynayo xaaladaha dhabta ah ee ka jirta dalalka saboolka ah.

Soomaaliya ayaa shirkaan waxaa ugu qeyb galay Masiirka Maaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, iyo Wasiirka Kaluumeysiga Cabdiraxmaan Cabdulaahi Xaashi, kuwaas ayaa xubnihii shirkaas ka soo qeyb gashay ka dalbaday in Soomaaliya laga cafiyo lacagaha deynta ah ee lagu leeyahay oo gaaraya 5.5 Bilyan.

Xubnahaan Wasiirada ah ayaa sidoo kale dalbaday in Soomaaliya la gaarsiiyo gar gaar bini`adamnimo, si loo gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan gudaha dalka.