Shariif Sheekhuna Maye oo isku soo sharaxay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka

0

Shariif Sheekhuna Maye oo kamid Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta shaaciyay in uu isku soo sharaxay xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo dhawaan la filayo in Muqdisho lagu doorto.

Xildhibaan Shariif Sheekhuna Maye ayaa horey xilal kala duwan dalka uga soo qabtay oo kamid tahay Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, waana aqoonyahan khibrda badan u leh hogaaminta .

Halkan ka Akhriso Qoraal uu Xildhibaanka ku shaaciyay Musharaxnimadiisa

Musharax Guddoomiyaha Golaha Shacabka Xil. Dr. Sharif Sheekhuna Maye.
Anigoo ah Xildhibaan Dr. Shariif Sheekhuna Maye waxaan caddeynaaya in aan si rasmi ah u taaganahay musharax xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJF Soomaaliya.

Waxaan leeyahay khibrad iyo waayo aragnimo dhanka habsami u Hoggaaminta Maamulka, Garsoor Caddaaladda ku dhisan yahay. Aqoon fiican ayaan u leeyahay Shuruucda Dalka u degsan, Qaanuunka Caalami ah iyo Xeerka Xuquuqda Aadanaha.

Muddo 57 sano ku dhaw ayaa si xilkasnimo, daacadnimo, caddaaladsna ku dheehan tahay ugu adeegay Dawladda iyo Dadweynaha Soomaaliyeed. Haddii aan ku guuleysto Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaan ka miro dhalin doona waajibaadka Dastuuriga ee saaran Golaha Shacabka.

Mar kasta waxaan la kaashan doonaa, raad raacna ka dhigi doona xusuusrebkii uu naga tegay Guddoomiyihii hore Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana ku dadaali doona in aan kor u qaado tayada iyo waxqabadka Golaha, isla markaana ka ilaalin doona in hawl-maalmeedka Guddoonka uusan hoos u dhicin heerka uu hadda ku sugan.

Haddaba, waxaan Xildhibaannada sharafta leh ka codsanaaya inay i doortaan. Haddii uu Allah raalli ka noqdo, waxaan ilaalin doona Dastuurka Qaranka iyo shuruucda kale ee Dalka u yaalo. Waxaan noqon doona Guddoomiye aad wax kasta kala tashato, iskuna hallayn karto ka miro dhalinta dhartii aad marteen.

Xildhibaanow mar ayey talo kula gudboon tahay, fadlan codskiina iyo kalsoonidiina i doorta.