Ra’isalwasaaraha Itoobiya oo Magacaabay Wasiirka Warfaafinta oo loo magacaby shaqsi somaali ah

1

Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa maanta ku dhawaaqay Golaha Wasiirrada ee Xukuumaddiisa cusub.

Tirada Golaha wasiirrada cusub ayaa la sheegayaa in ay kooban tahay,waxaana Wasiirka Warfaafinta loo magacaabay Axmed Shidde oo ka soo jeeda dowlad Degaanka Somalida Itoobiya kana tirsan Xisbiga Talada Maamulka Dowlad Degaanka haya.

Axmed waxaa lagu beddelay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Itoobiya Negeri Lencho,waxaana magacaabistan ay ka mid tahay isbeddellada uu ballan qaaday Ra’isalwasaaraha cusub ee Itoobiya.

Ra’isalwasaare Abiye oo Baarlamaanka ka hor hadlayay ayaa ka codsaday in ay u meel mariyaan 6 wasiir oo uu ku sameeyay isku shaandheyn iyo 10 Wasiir oo cusub,kuwaas oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada Itoobiya.

Dhamaan Xubnaha Baarlamaanka Itoobiya oo ka kooban 547,xubnood waxaa ay ka tirsanyihiin Xibsiga talada haya ee EPRDF,mana jirin cabsi ah in Golaha Wasiirrada cusub ay weynayaan kalsoonida Baarlamaanka.

Comments are closed.