Maxaa ka jira in Xasan Sheekh uu Imaaraadka u saxiixay Saldhiga Milatari ee Berbera (Akhriso)

0

Agaasimihii Madaxtooyada ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jawaab kasoo saaray war uu shaaciyey Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Imaaraadka Anwar Qargaash oo sheegay in heshiiska dekadda Berbera ay ogolaadeen dowladihii hore ee Soomaaliya.

Agaasimihii Madaxtooyada dowladii Xasan oo hadda ah xildhibaan ka tirsan Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya Cali Maxamed Cali (Cali Balcad) ayaa farriin jawaab ah  ku sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh heshiiskii loo soo jeediyey ee Dekadda Berbera.

Runtu waxay tahay in hadalkaasi khaldan yahay. Xaqiiqadii Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu diiday heshiiskii lasoo jeediyey, waxayna ahayd mid ka mida sababtii keentay in Imaaraadka uu maalgeliyo ololeyaashii looga horjeeday Xasan Sheekh xilligi doorashada, wuxuuna halku-dhiggoodu ahaa: CID KASTA OO AAN XASAN SHEEKH AHAYN..” ayuu Cali Balcad ku yiri farriintiisa.

Agaasimihii Madaxtooyada dowladii Xasan xildhibaan Cali Maxamed Cali (Cali Balcad) ayaa jawaab ka bixinayey warkii wasiirka Imaaraadka iyo eedeyn ay dowladii hore ee Soomaaliya u jeediyeen dad kala duwan oo ku saabsan inuu soo jiray shakiga ku saabsan ogolaasho uu Imaaraadku ka heystay dowlada Federaalka.xasan shiikh Mohamoud