Hay’adda Qurbajoogga Somaliland oo qabatay kulan wadatashi ku saabsan maalgashiga qurbajoogga iyo caqabadaha haysta

0

Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL ayaa qabatay kulan wadatashi ku saabsan Maalgashiga Qurbajoogga Somaliland iyo caqabadaha haysta kaasoo ka dhacay Hudheelka Crown ee Magaalada Hargeysa, waxana kala soo qaybgalay tiro badan oo ka mid ah qurbajoogga maalgashaday ganacsiyada kala duwan ee dalka, wasiirrada Arrimaha Debadda, Maalgashiga, Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Xildhibaanno, iyo martisharaf kale.

Wasiirka Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Dr. Sacad Cali Shire oo shirka furay ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leeyihiin iyo doorka waafiga ah ee qurbajoogga Somaliland ku leeyihiin dhaqaalaha wadanka isagoo hoosta ka xarriiqay in illaa hadda oo dhoofkii xooluhu taaganyahay uu dalku si weyn ugu tiirsanyahay lacagta ay qurbajooggu soo diraan iyo kaalinta ay kaga jiraan dhaqaalaha dalka. Wasiirku wuxu ku dheeraaday sida loogu baahanyahay in la dhiirigeliyo maalgashiga dalka, iyo sida loo baahanyahay in wax looga qabto caqabadaha jira hadba sida loo awoodi karo, waxa kale oo uu si guud uga jawaabay su’aalo badan oo qurbajooggu waydiiyeen. Wasiirka Arrimaha Debaddu wuxu aad u dhiirrigeliyay in qurbajooggu qaab iskaashi leh iyo wax waxwada qabsi, waxanu warwar ka muujiyay inaanu jirin oo habboon oo dawladdu gacanta ku hayso oo maalgashadayaasha la siin karo isagoo ku taliyay in loo baahanyahay in siyaasad fiican aan dawlad ahaan ka yeelanno arrintaas.

Guddoomiyaha Qurbajoogga JSL Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi oo ugu horrayn ka hadlay shirka ayaa sheegay in ujeedada ay kulan u qabteen la xidhiidho qaybta koowaad ee daraasad xog ururneed oo ay dhawaan ka fuliyeen Caasimadda oo ku saabsaan in la ururiyo, la habeeyo la wada diwaangeliyo xogta maalgashiga qurbajoogga ee dalka, isla markaana la daraaseeyo oo la ogaado caqabadaha jira, lagana shaqeeyo sidii wax looga qaban lahaa ee loo dhirrigelin gelin lahaa maalgashiga qurbajoogga ee dalkan Jamhuuriyadda Somaliland. Guddoomiye Dayaxweerar wuxu ka hadlay inay kadib daraasaddaas (Pilot survey) iyo codsi uga yimi ganacsatada qurbajoogga ah u qabteen kulankan in lagu soo bandhigo caqabadaha jira, sidaa awgeedna ay ku soo martiqaadeen Wasiirrada Arrimaah Debadda, Maalgashiga, Ganacsiga, Maaliyadda, Hawlaha Guud, Rugta Ganacsiga, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Waaxda Socdaalka, Duqa Caasimadda iyo dhinacyo kale oo xukuumadda ka tirsan.

Inkastoo aanay masuuliyiintii lagu martiqaaday ka soo wada xaadirin madasha iyadoo qaarkood sababo macquul ah awgood u cudur daarteen, waxa ay hadana ganacsatada qurbajoogga ah ee ka soo qaybgashay kulanku soo jeediyeen su’aalo doora oo ku saabsan caqabadaha jira ee carqaladda ku ah maalgashiga qurbajoogga ee dalka JSL, waxana ka jawaabayay Wasiirrada Arrimaha Debadda, Maalgashiga, Ganacsiga, iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga.
Su’aalaha ay qurbajooggu waydiiyeen masuuliyiinta iyo arrimaha ay cabashooyinka ka muujiyeen ayaa intooda badan la xidhiidhay nidaamkCASHUUR QAADISTA dalka oo ay ku tilmaameen inaanay midaysnayn loona qaado qaab isku mid ah ganacsi iyo mid weynba, iyo CASHUUR DHAAFKA maalgashiga qurbajooggu u baahanyahay iyadoo qurbajooggu tilmaameen in shuruucda maalgashiga debaddu taageerayso uun maalgashadaha ajaanibka ah oo kaliya, isla markaana aanay ganacsatada qurbajooggu ka helin xukuumadda taageero iyo dhiirrigelin kale oo kobcinaysa maalgashigooda iyo qodobo kale. Waxa ka mid ahaa iyana su’aalaha loo soo jeediyay wasiirrada siyaasadda xukuumaddu la leedahay xagga shaqaalaha ajaanibka ah ee ganacsatadu ka maarmi waydo inay soo qaataan iyagoo qurbajooggu tilmaamay in marar qaar caqabad ku noqdaan inay dalka ka helaan dad leh xirfado aqooneed iyo farsamooyin shaqo ganacsiyadoodu u baahanyahay balse marka ay debadda ka soo keenaanna ay ku dhacdo in ganacsatada kale ee dalku kala baxaan ama ka qaataan, isla markaana uu sharciga iyo dawladdu waxba uga qaban waydo.

Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga Mudane Maxamed Axmed Caawad ayaa uga warramay qurbajoogga inay dib u eegis ku wadaan xeerkii maalgashiga debadda oo wax laga bedelayo, isla markaana aan dhiirrigelin maalgashadaha ajaanibka ah balse sidoo kale taageeraya maalgashadaha qurbajoogga muwaadinka u ah Somaliland. Wasiirka Maalgashigu waxa kale oo uu ka hadlay in sida caadiga ah cashuur dhaaf loo sameeyo waxyaabaha muhiimka ah ee dhiirrigelinaya maalgashiga dalka sida warshadaha. Waxa kale uu Wasiirku u sheegay qurbajoogga inay dhiirrigelinayaan soo noqoshada qurbajoogga oo reeraha soo guuraya ee agabkooda guryaha sita aanay dawladdu waxba ka cashuurin balse aanay suurtagal ahayn in laga dhaafo baabuurta ay soo qaadanayaan ee la soo degayaan.

Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Sacad Iidle (Saajin) ayaa sheegay inay dhiirrigelinayaan maalgashiga qurbajoogga iyo cashuurka wixii lagama maarmaan u muuqda ee taageeraya, waxanu hoosta ka xarriiqay inaan waxba walba cashuur dhaaf loo samayn karin, isla markaana ay habboontahay in qurbajooggu iskaashado oo wax isku darsadaan oo shuraako noqdaan taasoo markaa u sahlaysa in waxbabadan loo fududeeyo oo taageeraya maalgashigooda iyo waxsoosaarka buuran ee ay dalka ku soo kordhinayaan.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Maxamed Shukri ayaa uga warramay qurbajoogga fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, isla markaana kula taliyay inay ku dadaalaan maalgashadayaasha qurbajooggu inay daraasad iyo hubsiimo badan sameeyaan ka hor inta aanay guda gelin maalgashiga si ay uga badbaadaan qorshe xumo iyo khasaare ay geli karaan, isla markaana uu ganacsigoodu u noqdo mid guulaysta.