Hadalkii Imaaraadka oo Khilaaf Ka Dhex Abuuray Somaliland iyo Kulamo Hargaysa Ka Socda (Akhriso)

0

 

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, ayaa sheegaya in khilaaf Siyaasadeed uu ka dhex dhashay madaxda ugu sareysa maamulka iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan labada Gole ee maamulka.

Khilaafka ka dhex curtay madaxda maamulka ayaa yimid kadib markii Wasiiru­dawlaha arrimaha dibadda isu tagga Iimaaraadka carabta, anwar Maxamed Qarqaash, uu sheegay inay aqoonsan yihiin midnimada Soomaaliya, isla markaana aysan xiriir gaara la laheyn maamulka Somaliland.

Khilaafka madaxda Somaliland ayaa ka dhashay erayada uu adeegsaday anwar Maxamed Qarqaash, kaa oo ahaa ‘’Innaga qunsuliyad kuma lihin Somaliland, safaaradna kuma lihin Somaliland, xiriirna lama lihin’’.

Madaxweynaha  maamulka Somaliland Muuse Biixi, ayaa la sheegay in haddalka Wasiirka arrimaha dibadda isu tagga Iimaaraadka carabta, anwar Maxamed Qarqaash kadib uu kulan degdeg ah la qaatay mas’uuliyiin ka kala tirsan Madaxtooyada iyo labada Gole ee maamulka.

Waxaa la xaqiijiyay in shirkaasi uu kusoo dhamaaday qabyo, kadib markii ay madaxdu isku khilaafeen Jawaabta laga bixin lahaa haddalka kasoo yeeray Wasiiru­dawlaha arrimaha dibadda, kaa oo hoos u dhigay rajadii ay Somaliland ka laheyd goosni isutaaga iyo Siyaasad madax­banaan.