Dowladda Kenya oo shaacisay magacyada iyo sawirada rag lagu tuhmayo Shabaab (Akhriso)

0

Saraakiisha Hay’adaha ammaanka dalka Kenya ayaa shaaciyay magacyada iyo sawirrada Saddex Dhallinyaro ah oo looga shakiyay inay u goosteen urura Al-Shabaab.

Ragga Kenya ay baahisay magacyadooda iyo sawiradooda ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Mohamed Abdalla Asman oo loogu yeero Papa ama Raymond, Hamis Hemed oo loo yaqaano Baloteli iyo Ali Ahmed Ali.

Madaxa Isgaarsiinta Ciidanka Booliska Kenya, Charles Wahong’o ayaa waxa uu sheegay xubnahan in la waayay xilli hore oo Arbacadii ah, kadibna la ogeysiiyay laamaha ammaanka.

Mohamed Abdalla oo ka mid ah Saddexdan tuhmane ayaa 4-tii October, 2013-kii lagu xidhay Magaalada Gaarisa, iyadoo la sii daayay 12-kii July, 2017 markii uu dhammaystay muddadii lagu xukumay.

Weerarkii ugu dambeeyay ee ay Al-Shabaab ka geystaan gudaha Kenya ayaa ka dhacay 16-kii February ee sanadkan Iskuul ku yaalla magaalada Wajeer, halkaas oo ay ku dileen Afar Macallin iyo Haweeneey u dhaxday mid ka mid ah Barayaasha.

Ciidanka Booliska Kenya ayaa howlgaladii ay xilligaasi ka fuliyeen degaanka Merti, oo ka tirsan Gobolka Isiolo waxa ay ku soo qabten 36 Garnayl, 18 ka mid ah aaladaha qaraxyada laga sameeyo ee IED-ga loo yaqaano iyo 5 Qori oo ah nuuca AK-47 ah.