DHEGAYSO:- TOP NEWS Gen Morgan oo laga Tageeray Laascanood ,kadib Musharaxnimadiisa Puntland

0

Shalay ayuu ku dhawaaqay in uu yahay musharax Madaxweynaha Maamulka Puntland Ge,Maxamed Siciid Xersi Morgan oo mar soo noqday xiligii dowladdii Kacaanka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Dadka ku nool magalada laascaanood oo uu maamulo Maamulka Soomaaliland ayaa aad u soo dhaweeyey musharaxnimda Gen,Morgan,iyaga oo sheegay in ay u rajeynayan in uu noqdo Madaweynaha Puntland.

Waxa ay sheegeen in Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas,uu waqtigiisa dhamaaday,isla markaana Maxamed Siciid Ceri Morgan markii loo doorto Madaxweynaha Puntland ay rajeynayaan in uu dhibaatada ka taagan ka saari doono dadka ku nool deegaannada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Sikastaba Magalalada laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxaa haatan gacanta ku haya Maamulka Soomaaliland oo aad uga soo horjeeda Ge,Morgan,iyaga oo sheega in uu dhibaato u geystay dadka ku nool Soomaaliland