Booliska soomaaliland oo xabsiga dhigay boqor buurmadow (Akhriso)

1

War deg deg oo hada soo gaadhaya magaalada hargaysa waxaa ay sheegayaan in ciidamada amaank soomaaliland ay goor dhaweyd xabsiga dhigeen Boqor Buurmadow .

Ciidamada amaanka ayaa boqorka ka qabtey Hotel Maansoor oo uu ku sugnaa sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad goob joog ahaa .

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo xildhibaanada Somaliland ayaa maalmihii ugu danbeeyey madaxweynaha ugu baaqaayey in uu xabsiga dhigo Boqor Buurmadow kadib markii ay sheegeen in uu Deeganka Caramo oo uu kaga qeyb galay xaflad caleemo saar beel Daaje uu ka jeediyey hadalo lidi ku ah Somaliland

la soco wixii soo kordha

Comments are closed.