Walaalaheen carbeed kamaanu filaynin in ay nagu digtaan maanta oo aan itaal yarnahay

0

Wadamada carabtu gaar ahaan kuwa khaliijka dagan,waa wadamo xasiloon oo nabad ah. waxay haystaan dhaqaale nidaam iyo kala danbayn.Soomaaliya waxay kamid tahay wadamada ku midaysan jaamacada dawladaha carbeed. dadka soomaaliyeed iyo dadka carbeed waxaa ka dhexeeya xiriir qodo dheer oo soo jireen ah,waxaana intaa u dheer oo ka dhexeeya diinta islaamka iyo dhalasho intaba.

Sida kuxusan taariikhda,dalka soomaaliya waxaa usoo nolol doonan jiray zamaano kala duwan,walaalaheen carbeed oo faqri iyo gaajo ku habsatay lama dagaankooda. dadka soomaaliyeed waxaa lagu yaqiin marti soorka iyo soo dhawaynta dadyawga duruufuhu keenaan dhulkeena. Hayeeshee carabtii dalkeena timid waxaa lasiiay nolol iyo daganaansho,iyagoo lagama mid dhigay sida muwaadiniinta soomaaliyeed.

Carabtii inoo soo nolol raad satay,waxay noqdeen kuwo dalkoodii kula noqday maalkay ka heleen soomaaliya iyo kuwa dagay oo aanba noqon ilaa hada.Taariikhan danbe oo dawlad nimada la qaatay soomaaliya waxay dhan dhaqaale la garab istaagtay dawlada masar kolkii ay ladagaalamayeen yuhuuda maanta ay yihiin heshiiska wayn dawladaha carbeed. Soomaaliya waxaa laga qaadi jiray kabaha ciidanka ee maqaarka laga samayn jiray oo ku fiican oradka iyo dhulka saxaraha ah kabahan dalkeena laga qaadi jiray. Waxaa kaloo laga qaadi jiray hilibka oo lagasacadeeyay oo lagu quudin jiray ciidanka masar,dharkana waa laga qaadijiray ciidanka ee laga sameeyay suufka kabaxa dalkeena ee aynu warshadayn jiray soona saari jiray dhar nadiif ah oo asal ah kaasoo ciidanka lasiin jiray.

Qaarankastoo carab kadhaca qaybteena ayaynu bixin jiray,hiil iyo hooba carab waa lagarabtaagnayn markaynu ahayn dawlada dhisan.Markaad eegto xiligan oo soomaaliya ka jiraan duruufo adag iyo dawlad la aan iyo amaan xumo doorka ay qaateen walaaleheen carbeed hadaan dib u jaleecno.

Waxaa dalkeena soomaaliya ka dhacay in dawladee dhexe meesha kabaxdo,1991 kadibna dalku galo dagaalo sokeeye oo lagu riiqmay naf iyo maalba.hayeeshee dagaaladaasi ma noqon nasiib daro kuwo mado gaaban kusoo afjarma,lagumana guulaysan in dib loo yaqleelo dawladnimadii burburtay ee soomaaliyeed.

Walaalaheen carbeed wax gurmad ah dhan siyaasadeed,dhan dhaqaale,dhan usoo gurmasho kamaynaan helin.waxaanse ka helay in ay qabaailadii soomaaliyeed,usii kala qaybiyeen si aad ufoolxun,in ay dhankii caqiidadii dalkeena iyo diintii fara galiyeen oo ay inoo qaybiyeen firqooyin daran,oo qaarkood aan hore loo aragba. intaa kuma ekaan carabi.

Dhibkastoo aynu soomaray markay soomaaliya istiraahdo madaxa balhada kor u yara qaad oo dawladnimadii soo ceshada,waxay carabi keentaa dhaqaale baarlamaankii iyo dawladii soomaaliyeed lagu kala dilayo,taasoo aynu arkaynay marwalba madaxwayne iyo raysal wasaare is haysta.

Dalka soomaaliyeed ee maanta Turki oo islaam ah iyo gaalo reer galbeed ah iyo afrikaba ay usoo gurmadeen,oo la dhoob dhoobayo sidii dalkaani lugu hiisa uugu istaagi lahaa,in carabi inagu soo duusho oo wadamadii khaliijka laynaga hahayo maanta waa nasiib daro weyn iyo abaalka dhac iyo nabsi ay kagalayaan soomaaliya oo maanta sidaa u liidata ah colaada,dawlad la aanta,gaajada iyo marxalada adag ay ku jirto in carabi inagu digato oo dalkeena dhexdiisa ka qorato ciidamo dadkeenii ah oo laynugu dulaysanayo,malaayiin doolarna siyaasadeenii ay ku iibsanayaan.

Emaaraadka iyo baxrayn iyo xulufadooduba waxay la dagaalamayaan nin kabasho iyo baxnaanin u baahan,waana garasho yaraan xagooda ah iyo godob aan loo baahnayn oo ay ka kasbanayaan soomaaliya oo maanta u baahan uun kaalmo iyo garab qabasho oo kaliya. hadalka Wasiirka Baxrayn ee arimaha dibada Khaalid bin axmed al khalifa waxaan u aragnaa digasho uu ku diganayo libaaxii qoyay.

Hadayba jirto sida uu u dhigay hadalka oo ah in Emaraatku ay soomaaliya caawinayaan,waxna u qabteen balse ay soomaalidu u abaal gudin oo ka abaal dheceen,xataa hadayba sidani jirto waxaa is waydiin leh waa goorma hadalkaani? tusaale ahaan hadaad walaalkaa oo dhaawac ah aad baxnaaniso,ood daawo iyo nafaqo siiso,keebaa haboon in aad u abaal sheegato hadaadanba hor illaahay iyo walaalnimo u jeedin,in isagoo aan kaban,bogsan wali dhawaacan aad tiraahdo waxaas iyo waxaas ayaan kuu qabtay oo aad abaal waydiisato xaaladaas,sow kama haboona in markuu bogsado ee aad caawisay isagoo isku filaaday aad tiraahdo waabaan sidaa kuugalay oo ku wanaajiyay abaal malihid.

Aniga waxay ilatahay hadaanba lahurayn abaal laysu galay in la sheegto,waxaa haboon cidaad ugashay oo ay ugaartay oo ladan in wax lagu sheegto. waxaa meesha iiga muuqda nimankan khaliijku in ay yihiin calool dharagtay oo caqligii dhaafay.muuna igu jees jeeseen walaalkay maanta haduu wax kasayo!!

Carabi waxay qiimo lahayd markay haysteen wixii illaahay ku cizeeyay ee ahaa diintaa islaamka,hadayse cadaatay in ay katageen waxay dhex jiifaan ceeb iyo liidasho heer hoose ah.Maanta carab uuma ekeen in ay ku digtaan soomaaliya.Waxaadse carabeey nagu fasheen waxaanu nahay kuwo gaabsan oo samraya allaah ayaana qooqiina nooga kiin filan.

Dalka soomaaliya waa dal qani ah dadkiisuna waa dad gob ah waa liicaan laakiin ma jabaan,waligayo yeeli mayno dulmi iyo gumaysi iyo in aan bashar u noqono khaadimiin hooseeya.In aan isla waynaado oo sareeyo waa mid ab iyo adoo laga soo gaar ah.waxaan hubanaa in illaahay noosoo celinayo dawladnimadii iyo karaamadii aanu lahayn. waxaan hubaa in dalkayagu mardhaw noqon doono dalalka uugu nolosha iyo nabada fiican. waxaan hubaa in dalkayaqa soomaaliya uu hogaamin doono dhaqaalaha afrika gaar ahaan iyo guud ahaan intabadan aduunka.

Madaxwaynaha dalka soomaaliya waa mid afrika iyo carab wax baraya oo tusaale u ah,waa nin dal dhis ah waa hal abuure iyo oday nabadeed,waxaan hubaa in uu idiin jeexayo khad aad uga baxdaan maamulxumada dhexdiina ah iyo caburinta shacabkiina aad ku haysaan. madaxda soomaaliya maanta u kacday sida madaxwaynaha iyo raysal wasaaraha iyo golayaasha dawlada soomaaliya waa kuwo samaynaya hormar dalkooda,oo iskala wayn wax kastoo quursi ah oo dalkooda iyo dadkooda aan u qalmin,mana qaataan cad quureed iyo soor quureed.

dhaqankayaga soomaaliyeed ee suuban waa mid sareeya,oo leh sharaf iyo tixgalin uu u hayo naftiisa iyo bani aadmiga kalaba.waan ku faanaynaa dhaqankayaga oo ah dhaqanka caalamka usareeya uuguna fiican uuguna dimuqraadisan kaasoo ah soo jireen. soomaalidu maha dad wax loo yeeriyo,mana aha dad la handadi karaayo,mana aha dad lagadan karo.

Dawlada soomaaliya col uma aha dawladaha carbeed oo aan walaalaha nahay,afrikana col uma nihin cidkalana warkeedba iska daa,waxaan rabnaa dawladnimo nabad iyo nolol,cidii is tiraahda ka faa iidayso maantay liitaane waa cid hoogtay oo khasaartay oo aan aqoon soomaaliya. shacabka soomaaliyeed iyo dawladoodu waa isku duuban yihiin mana aqbalayaan marwalba faragalin dibada ah.