Mooshinka Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaadhay halkii ugu adkaa (Akhriso)

3

Wararka naga soo gaadhaya Xarunta maamulka HirShabelle ee magaalada Jowhar ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeya Xildhibaanada Mooshinka kawada madaxweynaha maamulkaas   Maxamed C/waare.

Xildhibaanada Mooshinka kawada Waare oo iminka tirro ahaan kordhay ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay wadaan diiwaan galinta Xildhibaano dheeri ah oo kusoo biiray Mooshin wadayaasha.

Xildhibaanada ilaa iyo hadda is diiwaan galiyay ayaa la xaqiijiyay inay kor u dhaafayaan Afartan iyo Shan Xildhibaan oo si rasmi ah u saxiixay Mooshinka Hogaamiye Waare.

Xildhibaanada Mooshinka saxiixay ayaa qaarkood sheegay inuu u yeeray Hogaamiye Waare si ay u wadahadlaan, hase ahaatee ay diideen.

Comments are closed.