DHAGEYSO:-Madaxweyne Gaas “Lacagtii Imaaraadka ee muqdisho lagu qabtay waxaan ku laheyn qeyb”

1

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa faafaahin ka bixiyay lacag dhawaan lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Lacagtaas ayaa ka timid dalka Imaaraadka taas oo gacanta ay ku dhigeyn ciidamada amaanka ee Soomaaliya.

Lacagtaas ayaa cadadeeda waxaa lagu sheegay in ay dhameed 9.6 Milayan oo dollarka Mareykanka ah.

Madaxweyne Gaas ayaa yiri “lacag dhan Saddex Milyan iyo Lix Boqol oo Kun Dollar waxaa loo waday Ciidanka Puntland si mushaar ahaan loo siiyo”

Gaas ayaa sidoo kale sheegay in safaarada Imaaraadka ee Soomaaliya ay kala hadleyn lacagtaasi, waxayna noo sheegeyn ayuu yiri sida ay wax u dhaceyn.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in lacagtaas sidoo kale ay kala hadleyn dowlada fedraalka ee Soomaaliya isla markaana weydiisteen in lagu wareejiyo qeybtii ay lahayeen.

Comments are closed.