DHAGEYSO:-Kornel C/nuur Jaamac Jookar”Imaaraadku Waxa uu Kamid Noqon Doonaa Dowladaha Diidan Awooda Ciidanka Soomaaliya”

0

Kornel C/nuur Jaamac Jookar oo ah Sarkaal hore oo Ciidanka Xooga ka Tirsanaa  ayaa Sheegay in uusan Saameyn ku yeelan doonin Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed dhaqaalaha uu jartay Imaaraadka Carabta.

“Dowladda Imaaraadka Malahan Awood Siyaasadeed iyo Militariga oo Caqabad ku noqon karta Dhismaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, waayo waxay la mid yihiin Dowladdo badan oo qaarkood aanu daris nahay, oo ka soo horjeeda Dhismaha Ciidanka Qaranka Soomaaliya,marka taasi cabsi weyn naguma heysee, ee waa in la wada dhowraa xidhiidhka Taariikhda Fog leh ee labada Wadan ” ayuu yiri Jookar

 

Xidhiidhka dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa xumaaday ka dib markii Soomaaliya ay go’aan dhexdhexaad ah ka qaadatay Khilaafka Dowladda Khaliijka, waxase Xiisad ay Xoogeysatay kadib markii ciidanka Amniga Soomaaliya ay la Wareegeen Diyaarad Siday Malaayiin Doollar,Taasi oo sababtay in Dowladda Imaaraadka ay ku dhawaaqdo inay jirtay Dhaqaalihii ay siin jirtay Ciidanka Soomaaliya.