Dowladda qadar oo gaadiid ku wareejisay maamulka gobolka banaadir (Sawiro)

0

Dowladda Qadar ayaa gaadiid ku wareejisay maamulka gobolka Banaadir si loo dardargeliso howlaha ka socda  dowladda Hoose ee Xamar.

Madax ka socotay Gobolka Banaadir iyo Dowladda Qadar ayaa Gaadiidkaan Basaska ah ku kala wareegay Gudaha Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Tiradda Gaadiidkaan ayaa gaaraysa 30 Bas oo ah kuwa waa weyn ee dheereeya.

17 ka mid ah Gawaarida ayaa loogu tala galay in loo qeybiyo degmooyinka Maamulka Gobolka Banaadir , waxaana inta soo hartay la siin doono maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka soomaaliya

Gaadiidkaan ayaa waxaa uu ka saaci doonaa maamulka gobolka Banaadir dardargelinta Howlaha maamulka , iyadoona markii ugu horay degmooyinka ay heli doonaan qeybtooda.