Xildhibaan Dalxa “Iscasilaadii Jawaari wax dib u dhac ah kuma ridi doonto Shaqada Baarlamaanka”

0

Kadib casilaadii gudoomiyihii golaha shacabka Maxamed Shiikh Cusman jawaari , oo si rasmi ah u xaqiijiyay isbuucii tagay inuu iskaga tagay xilkii afhayeenimo.kadib muddo ku dhaw bil oo ay xildhibaanada Golaha Shacabka ku kala qaybsanaayeen mooshin laga keenay, maalmihii udambeeyay waxa ay arrintu isu badashay hadal hayanta su’aalaha laxiriira waxa xigi doona iscasilaadiisa iyo cidda laga yaabo inay shaqada kabadasho,kuwaas oo ay aad isu waydiinayeen qaybaha kala duwan ee bulshada rayidku.

15; maalmood oo ka bilaabanaysa maalinkii uu iscasilaadda kudhawaaqay gudoomiyihii hore ayaa looga baahanyahay golaha shacabka inay kusoo doortaan qofkii noqon lahaa afhayeenka xiga, kaasoo laga sugi doono shaqooyin waawayn sida maareynta baarlamaanka, kasbashada kalsoonida shacabka iyo inuu la shaqeeyo Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha howshaas oo ahayd mid aan sahlaneyn marka dib loo fiirsho dawladihii is xigxigay.