Saraakiil Ka Socota Imaaraadka Oo La Kulmaya Madaxweynaha Puntland

0

Saraakiil ka socota dowladda Imaaraadka Carabta ayaa  soo gaadhaay Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari kadib ka bixitaankoodii Saraakiishooda tababarayaasha ahaa.

Saraakiishaan ayaa Wararka aan helnay waxa ay sheegayaan in ay la kulmi doonaan madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas,iyaga oo kala hadli doona khilaafka DFS iyo Imaaraadka Carabta oo sababtay in saraakiishii tababarayaasha Imaaraadka ay ka baxaan Boosaaso.

Sabtidii ayuu qorshuhu ahaa in Madaxweyne Gaas uu la kulmo Saraakiisha Imaaraadka ka socota basle uu aaday Xafladii Caleemo saarka Beeldaaje Maxamed Beel Daaje.